RAMADAAN KARIIM

Waxaa bilatay bil kheyr iyo sharaf badan tasoo ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Warbaahinta Keydmedia oo ujeedooyinkii loo aas-aasay ay ka mid aheyd ku waceyi galinta buslhada ficilada u hogaaminaya dhanka wanaaga waxa ay go’aansatay in ay idiin soo gudbiso Warbixintan oo ku saabsan fadliga Bisha Ramadaan iyo faa’idooyinka laga dhaxli karo.
Maqaallo Keydmedia Online
RAMADAAN KARIIM

Soonka waxaa la waajib yeelay Sanadkii 2-aad ee Hijriyada waxaana ku soo arooray waajibada Soonka iyo fadligiisa Aayad badan oo ka mid ah Qur’aanka kariimka iyo Axaadiis ka sugnaatay Subanaheena Muhamed Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

 

Waa rugniga ama tiirka Afaraad ee tiirasha Islaamka, waxaana uu ku waajibayaa Soonka qof walba oo Muslim ah, Qaangaar ah misna Caafimaad qabo, waxaana alle Kutubka qur’aanka uu  sheegay talaabooyinka ay qaadayaan dadka jirin ee aan awoodin in ay xiliga la joogo Bisha Ramadaan Soomaan.

 

Fadliga Ramadaanka waxaan u kala qaadeynaa seddex qeybood waa mide tobanka hore iyo natiijada laga dhaxlayo waxa ay tahay, Tobanka dhexe iyo fadliga ku sugan iyo tobanka danbe .

 

Tobanka hore Tobanka Casho ee ugu horeysa Bisha Ramadaan waxaa loogu dhaafaa dadka Saa’imiinta ah danbiyada waxaana arinkaasi lagu sheegay xadiisa saxiix ah oo ka sugnaaday Nabi Muxamad Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana loo dhaafaa umadda islaamka ah ee gudata Waajibkan Diiniga ah ee alle ku waajib yeelay danbiyada ay galeen maadama Bani’aadamka uu iska gafaf badan yahay.

 

Tobanka DhexeTobankan dhexe waxaa ku  sugan  Naxariis uu alle u naxariisanayo Adoomadiisa u istaagay gudashada waajibkan Diiniga ah ee ka midka ah Tiirarka Islaamka

 

Tobanka Danbe: Iyadoo aynu ognahay in Alle uu mar walba uu u naxariisto adoomadiisa ayaa hadana tobanka danbe ee bisha Ramadaan  waxa uu ka xureeyaa Naarta .

 

Marka ay dhalato bisha Barakeysan ee Ramadaan sida qur’aanka iyo Axaadiista ku sugan waxaa la xiraa Albaabada Naarta iyadoona la fura Albaabada Janada, waxaana jira Albaab gaar ah oo ka mid ah kuwa Janada oo loogu tala galay in ay ka galaan Dadka Saa’imiinta ah ee oofiyay Balanta Alle, waxaana Albaabkaasi la yiraahdaa BAABU ALRAYAAN.

 

Tobanka Danbe sida ay culimada Sheegaan waxaa ku jira Habeen la yiraahdo LEYLATUL QADAR kaas oo ka qeyr badan sida Qur’aanka uu cadeeyay kun bilood, waxaana habeenkaasi uu yahay fadli iyo karaamo weyn leh.

 

Qofka Muslimka ah ee isaga oo Caafimaad qaba ay dhaafto Bisha Ramadaan, waxa ay culimada Diinta ku xeeldheer ay sheegaan inuu ka danbi culus yahay qofka SAANIGA ah .ama kan khamriga Caba , Wuxuuna Suubanaheena Muxamad fadligiis kor ahaaye uu inuu sheegay in qofka Maalin Ramadaan ay dhaafto cudur daar la’aan in aanu maalintaasi gudi Karin xitaa hadii uu soomo inta ka dhiman Nolashiisa.

 

Maxaa Buriya Soonka ?

 

Waxyaabaha uu ku buro soonka waxaa ka mid ah Cunid iyo Cabid kas ah, isu tag dhex mara lab iyo Dhadig oo dhacda xiliga Maalintii ah , Dhiiga Xeylka iyo kan Nifaaska ee Dumarka iyo waxyaabo kale oo badan.

 

Dhanka kale waxaa jira waxyaabo iyana daciifiya ajarka uu qofka saa’imka ah ka heli lahaa Soonka waxaana ka mid ah Aflagaada iyo sheekooyinka Maalaayacniga ah, waxaana wanaagsan dadka Muslimiinta ah mar walba in ay ku dhaqmaan Xadiiskii Rasuulka ee ahaa (KHEYR KU HADAL AMA ISKA AAMUS).

 

Sunooyinka Soonka

 

Sunooyinka waa weyn ee Soonka waxaa ka mid ah in Afurka la dadajiyo isla markaana Saxuurta la dib dhigo, waxaana arinkan ku soo arooray Axaadiis badan, waxaa jira qeyba ka mid ah Dadka oo aan Saqda dhexe awoodi Karin in ay wax cunaan, dadka ceynkaas ah waxaa la gudboon xitaa koob biya ah ama Caano ah in ay cabaan si aanay u seegin Sunnada weyn eek u sugan Saxuurta.

 

Dhanka afurka waxaa aad u wanaagsan cidii heli karta in ay ku bilaabato Timir, waayo timirta waxaa ku sugan Barako balaaran, qof walba oo Muslim ah oo afuriya qof Sooman waxaa loo qorayaa ajarkiisa oo kale.

 

Muqdisho iyo Ramadaanka  

 

Magaalada Muqdisho ee ah Caasimada Soomaaliya, waxaa hada ka socda sida aan wada dharagsanahay Dagaalo u jeeda badan ah oo u dhaxeeya Dhinacyo ku loolama awood Siyaasadeed, Magaca ay doonaan ha sitaan cida doontana ha hogaamiso.

 

Dhinacyadaasi iyaga ah tan iyo bilowgii Bishii Shacbaan waxa ay wadeen abaabulo Dagaal, waxaana warbaahinta gudaha ay isu marsiinayeen fariimo lagu magacaabay Shirar jaraa’id oo biya dhacooda uu ahaa baaq Dagaal iyo Bisha Ramadaan.

 

Kooxahan Dagaalada ku baaqaya waxa ay bartilmaameed ka dhiganayaan oo ay ku hal qabsadaan “ waa in aan helno guul la mid ah tii muslimiinta ay ka gaareen Dagaalkii Beder ee dhacay 17-kii Ramadaan” Muqdisho ma ka socdaa Dagaal la mid ah kii Beder oo aan taariikh Ahaan Xusuusta ku wada heyno?.

 

Niyadda Shacabka

 

Shacabka waxa ay niyada si weyn ugu hayaan in laga joojiyo Dagaalka isla markaana la baajiyo dhiiga shacabka Madaamada Dagaalada inta badan shacabka ay waxyeelo ka soo gaarto, iyadoo la tix galinyo fadliga iyo Karaamada Bishan Barakeysan ee Ramadaa.

 

Waxaana Marag ma doonta ah Shacabka Soomaaliyeed ay aad u doonayaan Nabad iyo Xasilooni iyo in mar uun ay arkaan Muqdisho oo aan Madfac ka dhaceyn.

 

Gunaanad

 

Keydmedia qoraalkan ay ugu tala gashay Bisha Ramadaan waxa ay ku soo afmeereysaa in baaq ay u direyso Bulshada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed taas oo ku aadan in si Niyad ah looga Faa’ideysto fadliga Bisha Ramadaan isla markaana lagu Alle tuugo in isbadal kan dhaama uu Dalka ka hana qaado Maadaama dhibaatada ay maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheyso.

 

RAMADAAN KARIIM, SANAD WANAAGSAN, SANADKAN SANADKIISA KEYDMEDIA WAXAY IDIN RAJEYNEYSAA GUUL IYO HORUMAR INSHA-ALLAAH

 

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

Abdulkarkiim Haji Seeko.(mrseeko@live.com)

 www.keydmedia.net

  • user pic

    Faysal Abdi Muse

    • 14 April 2021

    Goormaa la saxuuran karaa ugu danbayen ma marka la adimo salaada subax mise qoraxdu hadii ayna wali soo bixin waa la saxuuran karaa?




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.