Warar Keydmedia Online | 5 August 2020

Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya. 

Casharka Xil ka qaadista RW Kheyre waa sharci la’aan & xurmo la’aan haybadda dowladnimo

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 5 August 2020

Ugu horreyn, waxaan qabaa in RW Xassan Cali Kheyre uu mas’uuliyad ballaaran ku leeyahay xadgudubyada iyo dib u dhaca 3 sano iyo 1/2 la soo dhaafay dalka ka dhacay. Wuxuu kaloo kaalin mug leh ku leeyahay guulaha iyo horumarka dhalanteedka ah ee dowladda la magac baxday Nabad & Nolol (N&N) sheeganeyso.

KEYDMEDIA

Weather Mogadishu, SO

broken clouds 24.6°C broken clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)

Keydmedia Radio

Radio loading......
Diiwaanka Qaswadeyaasha

Mareykanka oo Fahad Yaasin ku dari rabo ‘Sanctions list’

Warbixin Keydmedia Online | 3 August 2020

Waxaa soo ifbaxaya in hay'adaha amniga shaqsiyaad ka tirsan ay caqabad toos ah ku hayaan hanaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, kuwaa oo af-duub u heysta go'aamadda Golaha Shacabka, Madaxtooyadda iyo guud ahaan hay'addaha amniga. 

Maxaa ka Qaldan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal?

Faallo Keydmedia Online | 1 August 2020

Sharciga doorashooyinka qaranka heer federal ayaa sharci noqday kedib markii ay meelmariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya (BFS). 

Ciid Wanaagsan!

Warbixin Keydmedia Online | 31 July 2020

Nairobi (KON) - Warbaahinta Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda ugu Hambalyeneysaa Munaasabada Ciidul Adxa. Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak.

Keydmedia Radio

Radio loading......

Ibraahim Sh. Cabdiweli (KON) - Halkaan Guji: Qeybtii Koowaad, Qeybtii labaad | Maahmaah la iloobey waxay ahayd nin dhugi xiran dhuuso loo saari oo la mid ah wixii xunba Xaawaa leh...


Falcelinta Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub 

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 29 July 2020

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub waxay door weyn ku lahaayeen abuuritaanka xaaladda murugsan ee dalka ka taagan, waayo ayagoo si hoose ula socday xaaladda ka dareysa maalin walba ayey ka aamusnaayeen, mararka qaarkoodka difaacayeen, ammaanayeen dowladda federaalka.

Maxay Dawladdu u Xanibtay Isticmaalka & Adeegga Isgaarsiinta Internet-ka?

Warbixin Keydmedia Online | 28 July 2020

Maalin kadib af-gambigii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee lagu riday RW Xasan Cali Kheyre, Xukuumadda Farmaajo waxay amar ku bixisay in xoog lagu joojiyo isticmaalka adeegga internet-ka ee caasimadda Muqdisho. 


Articles from a year ago

Keydmedia Time Machine

    Faallo 24 July 2020 11:30

    Ibraahim Sh. Cabdiweli (KON) - Qoraalkaan waa 3 Qeybood waxaana lagu soo daabacay bogga hore ee KON 2013dii | Sida laga dheehan karo magacyada beelaha Soomaalida, waxay u egtahay 30-35 fac ka hor, colaad iyo abaaro ku baahay geyiga geeska Afrika in la kala qaxay kadibna la noqday gaashaanbuur koox-koox laysu garabsaday.

    Ka digtoonaasho in Shirka Dhusamareb laga leexiyo Jidka toosan

    Falanqeyn Mohamud M Uluso | 23 July 2020

    11 Luulyo 2020 waxaa Magaalada dhusamareb ka furmay shirka 5ta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada (DG) Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DF). Ajendaha shirka wuxuu ahaa qabashada doorashada hay’adaha dastuuriga ee Soomaaliya oo kala ah Barlamaanka Federaalka (BF) iyo Madaxweynaha JFS ka hor dhammaadka muddo xileedka labadaas hay’adahood oo ku beegan 26da Disember 2020 iyo 7da Febraayo 2021. 

    Xalka Muranka Doorashada Soomaaliya

    Warbixin Keydmedia Online | 22 July 2020

    Toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii June ee sanadkan, Xaliimo Yarey, oo ah gudoomiyaha guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka [NIEC], ayaa soo bandhigtay labo ikhtiyaar oo lagu qaban karo doorasho qof-iyo-cod ah, hadii mudo 13 bilood oo dheeraad ah loogu daro xafiiskeeda.


    MW Farmaajo & RW Kheyre

    Ololaha Jaahwareerinta & waqti lumiska ee ka wadaan Dhusamareeb

    Falanqeyn Mohamud M Uluso | 21 July 2020

    Kow, Madaxweyne Farmaajo lama tegin dhusamareb afkaar iyo niyad uu ku taageerayo dhammeystirka go’aammadii wejigii koowaad ee shirka Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Xubnaha ka ah dowladda federaalka. 

    Bilowgii Dhamaadka Madaxweynimada Farmaajo!

    Falanqeyn Keydmedia Online | 20 July 2020

    Sida aan ka dhaxalnay tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya ee 1991, waxaa dowlad kasta oo la sameeyaba hareerayn jiray khilaafaad dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ama Fulinta (Dowlada) iyo Sharci-dejinta (Baarlmaanka).

    Caqabadaha hortaagan Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareb ee DG Galmudug 

    Falanqeyn Mohamud M Uluso | 19 July 2020

    Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyo Agaasime Fahad Yaasin iyo taagerayaashooda oo ah kooxda loo yaqaan N&N waxay qaadeen olole ballaaran iyo brobaganda ay ku abuurayaan tuhun iyo qalalaase ay ku fashilinayaan wejiga labaad ee shirka Dhusamareeb ee loogu tala galay ka wada xaajoodka doorashada dadban ee 2020/2021.

    Yaa kala Jaray Soomaaliya iyo Somaliland?

    Faallo Keydmedia Online | 18 July 2020

    Somaliya iyo Somaliland wada hadalladoodii waa la'soo celiyay oo waakan shir Jabuuti ka furmay, dabcan Soomaliland waxay rabtaa in ay dal GOONI AH NOQOTO, dhanka kale Somaliya waxay rabtaa: IN MIDNIMADII LA'SOO CELIYO sida ay sheegaan reer koofur, waxaa fiican in la'falanqeeyo see midnimadii lagu soo celin karaa ama xataa sharaf loogu kala tagi karaa oo loo noqon karaa laba dal oo walaalo ah, maxaase keenay in midnimadii ay diido Somaliland?


    Federaalnimo & Qabyaaladd

    Burburka Soomaaliyeed

    Maqaallo Keydmedia Online | 17 July 2020

    Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Waxaa caddaatay in Cadawga Soomaaliyeed uu yahay canaasir sheegata magac Soomaalininada haddana hoosta ka wadata xeelad ku dhisan Qabyaalad iyo Federaalnimo. Soomaaliya waa Qaran aan qaybsami karin ee waxaa kala qaybinaya inta ku qaraabata Qabyaaladda iyo Federaalnimada.

    Wadada Soomaaliya u mari-karto Mustaqbal Nabad ah

    Warbixin Keydmedia Online | 16 July 2020

    Colaadda sokeeye ee Soomaaliya oo 30 sano jirsatay, ayaa burburisay nidaamkii waxbarasho iyo dowladnimada dalka, iyadoo mustaqbal la’aan ka dhigtay malaayiin Carruur ah oo da'da iskuulka gaartay.

    Keydmedia Online

    Kaalin ay la keli noqotay

    Maqaallo Bashir M. Xersi | 15 July 2020

    Dhammaadkii 2005 ayaan qoray faallo halbeeggeedu ahaa: "Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!" oo eheed qoraalkii u horreeyey oo website iigu soo baxa, aanse ahayn qoraalkii u horreeyey ee aan qoro, oonna ku faaqiday kaalinta mareeguhu ku lahaayeen, welina ku leeyihiin hurinta colaadaha, kicinta dadweynaha, isku dirka iyo dilka beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

    12/07/1993 "Restore Hope"

    Duqowdii lagu dilay duqeynta diyaarado!

    Faallo Keydmedia Online | 14 July 2020

    Waayeelku waa weelka iyo keydka nolosha laamaheeda ka la duwan, siiba middeeda maan iyo maskax, xis iyo xusuus, oo dadka waaweyni ay ku hayaan laabtooda, iyaga oo ku daraya u jooggooda nololeed iyo waaya'aragnimadooda qofeed, oo isku noqon wixii waa fog jiray, oo lagu qabtay waxa maalmahan taagan.