Keydmedia Online is under expansion!
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku biiray xalay kulanka, isagoo howlo shaqo ugu maqnaa magaaladda Gaalkacyo, ii Ciidan tababar ugu soo xiray.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa tan iyo shalay waxaa ka socda kulamo xiriir ah, oo lagu dardargelinayo howsha culus ee loo dhiibay Maxamed Xuseen Rooble.
Waa kulankii ugu horeeyay oo Rooble si wadjir ah ula yeeshay Safiiradda Beesha Caalamka u fadhiya magaaladda Muqdisho.
Farmaajo ayaa dowladnimada ka leexiyay jikeeda, isagoo jebiyay sharciga dalka oo ahaa in hadii xilka laga qaado Ra'iisul Wasaare, isaga sii haya xafiiska illaa mid cusub ka imaanayo, laakiin ma uusan sameyn markii Khayre la eryay July 25.
Qoraal uu soo saarey ayuu Xisbiga kusoo dhaweeyay ansixinta heshiiska doorashadda, kaasoo lagu maamuli doono qaabka lagu soo dooran doono Xildhibaanada cusub.
Siyaasigan ayaa mudo dheer ugu dambeysay Villa Soomaaliya, isagoo saddexadii sano ee lasoo dhaafay dagaal afka ah kula jiray Madaxda fadhisa Xarunta Madaxtooyadda.
Madaxtooyadda ayaa todobaadyadii ugu dambeysay martigelinaysay kulamo siyaasadeed, oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, oo hadda heshiis laga gaarey.
Khilaafka ayaa ahaa mid gaamuray, oo uu Madaxweynaha xal u waayay, isagoo xitaa lagu eedeeyay inuu ka arkay dantiisa inaysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin labada aqalka ee BF.
Kulamadaan ayaa u dhaxeeyo masaxda maamul goboleedyada iyo Xildhibaanada ku metela Baarlamaanka Soomaaliya.
Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa qorshe cusub oo la doonayo in Gollaha Shacabka ku siiyaan codka kalsoonida Rooble, oo maalmo kahor xilka uu Farmaajo u magacaabey.
“Waxaan si xushmad leh u weydiisanayaa mudaneyaasha Gollaha Shacabku in ay kalsoonidooda i siiyaan si aan u guto waajibaadkeyga,” ayuu RW Rooble ku yiri muuqaal cusub oo uu soo dhigay Twitter-ka.
"Anigoo fahamsan in dalku uu ku jiro marxalad kala guur ah, hadana mudada aan xilka hayo waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeegayaa si daacad ah," ayuu yiri RW Rooble.