Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii na dhaafay wuxuu u ahaa mid Soomaaliya lagu xasuusto go’aankii Madaxda DF iyo Maamullada ee doorashooyinka dalka, oo ku jiray mugdi iyo shaki inay waqtigooda ku qabsoomaan, sidoo kale Musharaxiinta ayaa bilaabay ololihii doorashada - Tani waa dhacdooyinka Isbuucaan.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

28 September 2020: Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dawladdu gaartay.

29 September 2020: Shirkadaha diyaaradaha ayaa sameeyay shaqo-joojin, kadib markii NISA ay mid kamid ah diyaaradaha shaqada ka joojisay, una diidey inay ka shaqeyso gobolka Gedo.

Go’aanka NISA ayaa saameeyay boqolaal rakaab ah oo ukala gooshayay degmooyinka dalka, kuwaasoo saacado badan Garoonka ku xannibmay, inkastoo markii dambe wadahadal kadib dib loo furay duulimaadka isla maalintaas.

30 September 2020: Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ayaa Shir uga furmay xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, kaasoo daba socoda kulankii lagu gaarey heshiiska doorashadda ee 17-kii September.

1 October 2020: Haweeney ayaa isku qarxisay Isgoyska Black Sea ee magaaladda Muqdisho, iyadoo beegsatay askar dhar-cad ah oo NISA katirsan, waxayna dishay talihii Sirdoonka degmada Howlwadaag.

Maxkamadda Ciidanka ayaa dil toogasho ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo loo xiray kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo 4 jir ah, 14-kii May 2020, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir, ee magaaladda Muqdisho.

2 October 2020: Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ayaa ku dhawaaqay jawdalka doorashooyinka, iyagoo shaaciyay in codbixinta ay billaaban doonto 1-da December, islamarkaana ay socon doonto illaa February 8, oo la dooran doono Madaxweynaha.

3 October 2020: Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Nairobi kula kulmay Saraakiil ka socda Sirdoonka Imaaraadka, oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoo kala wadaagay musharax ay taageeri karaan, eek u guuleysan karo tartanka xilka Madaxweynaha.

4 October 2020: Labo bilood kadib markii xilka laga qaadey, Xasan Cali Khayre ayaa ka duulay garoonka Muqdisho, isagoo ka degay Jabuuti, halkaasoo uu u tagey arrimo la xiriirra ololihiisa doorashadda, maadaama uu shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysa uga billaabatay dalka Eritrea oo u tababara NISA Ciidan Sirdoon ah, oo si gaar ah u dirsaray Fahad Yaasiin, oo mudo dheer tan iyo Maxkamadihii Islaamiga la lahaa Isaias Afwerki xiriir hoose.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisii ugu horeeyay dibadda ugu ambabaxay wadanka Kuwait, si uu ugu tacsiyadeeyo dawladda dalkaasi geerdii ku timid Sheekh Sabaax.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.