Beesha Reer Nimcaale oo 48 saac u qabatay Qoorqoor

Reer Nincaale waa beesha bud-dhigga u ahayd maamulka Galmudug, waxaana ka soo jeeda Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko), halka uu ka dhashay halyaaygii caanka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise Maxauud oo sabab u ahaa in Koofurta Soomaaliya ka xorowdo gumeystihii.

Warar Keydmedia Online
Beesha Reer Nimcaale oo 48 saac u qabatay Qoorqoor

GAALKACYO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ku dhawaad hal todobaad kadib ayaa xal ku meel-gaar ah laga gaaray tabashdii beesha Reer Nimcaale oo ka mid ah beel weynta Sacad ee Habargidir oo (16 September 2022) ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay maamulka Qoorqoor.

Sida aan hore u baahinnay (Halkaan ka aqriso) tabashada beesha Reer Nimcaale waxaa ka dhashay in muddo Todobo maalin ah uusan shaqayn Kastamka magaalada, isla-markaana aysan gawaaridu adeegsan waddada, kadib markii ciidan dabaabaad xooggan wata oo beeshaas ka soo jeeda ay la wareegeen baraha koontarool ee magaalada Gaalkacyo.

Kadib kulamo muddo socday, beeshu waxa ay isla-qaadatay in waddooyinka la furo, lana fasaxo gawaarida halka Isbuuc ku caddibnaa jidka, muddo 48 saac ahna la siiyo Qoorqoor inuu uga jawaabo eedda loo jeediyay, isla-markaana uu beesha la fariisto miiska wada-hadalka, kana dul-kaco xuquuqda beesha ee uu sida reer-necbeysiga ah ugu dul fadhiyo.

Odayaasha dhaqanka beesha oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo waxa ay sheegeen in wada-hadallo hordhac ah oo aan cidi u dhaxayn uu Qoorqoor la yeeshay beesha, isla-markaana ay wada-hadalladaas ka dhalatay in muddo 48 saac ah beeshu yareeyso cadaadiska fursadna loo siiyo Qoorqoor inuu si buuxda uga garaabo tabashada jirta.

“Kadib xiriir Madaxweynaha iyo beesha dhex maray oo aan loo dhaxayn, waxaa la isla qaatay in dhinacyadu go’aan ka gaaraan oo ku heshiiyaan wax mustaqbalka dan u ah, Galmudug dan u ah, Mudug dan u ah, beesha tabashada qabta ee Reer Nimcaale-na dan u ah”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha shirka jaraa’id xalay ku qabtay Gaalkacyo.

Beeshu waxa ay sheegtay in ay lama huraan tahay in Dowladda Soomaaliya ay soo fara-galiso is-diiddooyinka ka dhex aloosan beesha iyo Qoorqoor, inta uusan xaalku faraha ka bixin, waxayna qaar ka mid ah odayaasha xalay hadlay si adag u dul istaageen in haddii xal buuxa la waayo 48 saac gudahood ay tallaabooyin hor leh beeshu qaadi doonto.

Reer Nimcaale oo ah mid ka mid ah beelaha ugu tunka weyn beesha Sacad ee Habargidir, waxa ay Qoorqoor ku eedeeyeen inuu duudsiyay xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowlad gobolleedka Galmudug oo ay iyagu bud-dhige u ahaayeen, maadaama uu ka soo jeedo Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkaas, Prof Maxamed Warsame Cali (Kiimiko).

Sidoo kale beesha Reer Nimcaale waxa ay ka mid ahayd beelihii sida weyn u soo dhaweeyay kadib markii uu Qoorqqor doorasho boob ah kursiga ku helay 2020, iyadoo beeshu eegeyso in hore loo sii socdo isla-markaana uusan maamulka ay iyagu soo yabyabeen uusan kala haadin, waana abaal ayasan ka helin Qoorqoor.

Sida ay odayashu hore u sheegeem xuquuqaadka beeshu lahayd ee Qoorqoor isku hor-gooyay waxaa ka mid ah, guud ahaa xuquuqdii degmada Af-barwaqo oo dhacda bariga gobolka Mudug, dhinacna  u xigtaa maamulka Galmudug, taasoo ka mid ah degmooyinka uu rajiimkii Maxamed Siyaad Barre u magacaabay degmonimo buuxda 1988-kii.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen ilo loo qaateen Qoorqoor waxaa laga yaabaa inuu saacadaha soo socda u socdaalo Gaalkacyo, si uu miiska wada-hadalka ula fariisto beesha tabashada qabta, kadib markii ay fashilmeen isku dayo uu ku doonayay in odayaal iyo siyaasiyiin isaga saaxib la ah oo Cabdi Qabdiid ku jiro ay wakiil uga noqdaan wadahadalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.