Tiradda raggii weeraray Hayat hotel iyo sida ay Goobta ku galeen

Mahad Salaad, taliyaha NISA ayaa goobta Caawa tagey, iyadoo wali Ciidamada la dagaalamayaan dagaalyahanada ku harey dhismaha, oo laga saari la'yahay.

Warar Keydmedia Online
Tiradda raggii weeraray Hayat hotel iyo sida ay Goobta ku galeen

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayay Keydmedia Online ka helaysaa qaabkii Al-Shabaab ku gashay Hayat hotel, oo ku yaalla aag amnigihiisa si aad ah loo ilaaliyo KM4.

Xogo hoose oo KON soo gaarey waxay sheegayaan in ragga weerarka fuliyay ay gaarayeen 16 qof, kuwaasoo 12 kamid ah shalay Galab ayay galeen hotel-ka, iyagoo ku tagey Gaari Cabdi-Bille ah.

Labo kamid ah waxay is yaqaaneen Mulkiilaha hotel-ka, iyagoo u fududeeyay Al-Shabaab inay weerarka si sahlan ku fuliso, oo u gashay gudaha dhismaha, oo illaa hadda ka dagaalamayso.

Su'aallo badan ayaa la iska waydiinayaan raggan illaa xalay dagaalamaya halka ay hubka ka keeneen, maadaama la go'doomiyay oo banaanka Ciidamada dowladda ka taagan yihiin.

Dhanka kale, Mahad Salaad, taliyaha NISA ayaa goobta Caawa tagey, iyadoo wali Ciidamada la dagaalamayaan dagaalyahanada ku harey dhismaha, oo laga saari la'yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu amar ku bixiyay in la dumiyo hotel-ka oo dhan, taasoo khatar gelinaysa dad shacab ah oo gudaha dableyda ku haysta, kuwaasoo dhiman kara.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.