RW Rooble: Xil culus iyo shaqo aan badneyn!

Ra'iisul wasaaraha ayaan haysan waqti ku filan, waxaana uu sii dhammeystiri doonaa shaqooyinka qabyada ah.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble: Xil culus iyo shaqo aan badneyn!

Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeen hore waxaa loo magacaabay xilka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo si rasmi ah u bedalaya Xasan Cali Kheyre oo golaha shacabka daqiiqado un kalsoonida ugala laabteen 25-kii July.

Inkastoo waqtiga uu haysto RW Rooble yahay mid aad u yar, ayaa hadana waxaa laga doonayaa inuu qabto shaqooyin dhowr ah.

Marxaladda uu hadda dalka marayo ayaa ah mid aad u adag, una baahan in wax laga qabto dhinacyada ammaanka, dib u dhiska, shaqo la'aanta, diyaarinta Ciidamada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shaqooyinka looga fadhiyo:

Dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Rooble laga doonayo inuu xoogga saaro Hal arrin oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta.

"Sida muuqata, Ra'iisul wasaaraha maba isku mashquulin doono arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, cadaaladda iyo shaqooyin kale oo weli qabyo ah, shaqada laga doonayo waa in doorashada uu xaqiijiyaa iney waqtigeeda ku qabsoonto, lagana fogaado wax isdaba marin" sidaasi waxaa yiri aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo wax badan kala socda arrimaha siyaasadda dalka.

Mar haddii aanu Roole fursad u helin in lasoo magacaabo, iyadoo dowladda ay waqti badan u harsan tahay, ayaa la rumeysan yahay kaliya in shaqadiisa ugu weyn noqon doonto doorshooyinka.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa isna qoraal uu bartiisa soo dhigay, wuxuu ka dalbaday Ra'iisul Wasaaraha cusub inuu la yimaado karti, kana shaqeeyo in doorashada waqtigii lagu balamay ay ku dhacdo.

Ammaanka

Dalka kama jiro ammaan la isku halayn karo, waxaana qubarada dhanka amniga ay sheegeen in Ra'iisul wasaare Rooble aanu waxbo ka qaban karin xilligan oo muhiim u ah qabsoomidda doorashooyinka sida uu qabo Korneel Shariif Roobow oo ka mid ah saraakiishii hore ee dalka.

"Nin wax badan la socda ayaa ammaan sugi kara, kolley sida muuqaata amniga waxba kama bedali karo ra'iisul wasaaraha la magacaabay, sababtoo ah inta uu dad barasho ku jira ayaaba la gaarayaa waqtiga doorashada," ayuu yiri Korneel Shariif.

Marka laga soo tago siyaasiyiinta iyo quburada ammaanka aragtida ay ka bixinayaan magacaabista RW Rooble, waxaa jira aragti kale oo dadka shacabka ah ay qabaan, iyaga oo sheegaya in sababta Farmaajo usoo magacaabay ay tahay un inuu isaga leexiyo eedaha badan ee kaga imaanayey saamileyda siyaasadeed.

Maxaa la filan karaa xilligan?

Inkastoo aysan saaxiib joogta ah lahayn siyaasaddan, waxaa macquul ah in arrintu ay iska bedasho halka laga eegayo Ra'iisul wasaare Rooble, lagana yaabo in qodax lama filaan ah uu ku noqdo madaxweyne Farmaajo.

Maadaama mudada hartay ay tahay mid aad u yar, hadana waxa uu ku gaari karaa go'aanno masiiri ah iyo kuwo kaleba, wuxuuna ka shaqeyn karaa in meesha uu ka saaro rabitaanka Farmaajo iyo nidaamka uu ku doonayo in doorashada u dhacdo.

Soomaaliya waxaa hadda ka jira marxalad kala guur ah, iyadoo amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho uu faraha ka baxay, waxaana sidoo kale jira boob lagu hayo hantida iyo shacabka Soomaaliyeed, mar haddii dowladda hadda jirta uu waqtigeeda gebo-gebo yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.