RW Rooble oo ku wajahan Baydhabo

Waa safarkii ugu horeeyay oo ku tego magaalo ku taalla dalka tan iyo markii loo magacaabey xilka Ra'iisul Wasaaraha bishii September 2020. 

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo ku wajahan Baydhabo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Warar hoose oo Keydmedia Online ka heshay Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Rooble uu xariga ka jari doono wadooyin oo usaga injineer ka ahaa kahor inta uusan noqon Ra'iisul Wasaare.

Wadooyinkan oo mashruuca lagu dhisay uu Bangiga Adduunka maalgeliyay ayaa qaarkooda la dhameystiray, waxaana maanta xariga ka jari doono Ra'iisul Wasaaraha oo lagu casuumey.

Amaanka magaaladda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu daadiyay wadooyinka Ciidamo ilaalo u ah Rooble oo uga sii hormaray magaaladda, oo ka duwan jawigeeda sidii hore.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.