‘Qoor Qoor’ oo caawa Muqdisho gaaray

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor Qoor ' iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
‘Qoor Qoor’ oo caawa Muqdisho gaaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa fiidnimadii soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira shirar ay madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku yeelan doonaan Muqdishu.

Shirarka madaxda ayaa looga arrinsan doonaa dhammaystirka heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.