Qarax ka dhacay Ceel-Waaq

Saraakiisha amniga degmada ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu aasay gudaha Maqaayadda, oo inta badan si joogto ah u tagaan askar katirsan dowladda, oo halkaasi shaah iyo cunto u doonta maalin kasta.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Ceel-Waaq

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Labo qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo Maanta oo Khamiis ah ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo.

Sarkaal katirsan laamaha amniga oo la hadlay KON ayaa sheegay in qarax uu dhacay xili Maqaayadda Shaah ka cabayeen Askar katirsan militeriga dowladda Soomaaliya iyo dad kaloo shacab ah, kuwaasoo dhaawac iyo dhimasho kasoo gaartey weerarka.

Ciidamada dowladda ayaa goobta gaarey qaraxa kadib, iyagoo sameeyay howlgal aan jirin cid lagu qabtay. Kuwaa remote-ka ka hagayay miinada ayaa baxsaday markii ay qaraxday kadib.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada nooca ah ka fulisa dalka, iyadoo dagaal kula jirta mudo ka badan 10 sano DF iyo AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.