U-kuurgal Dhaqan-xumadda Huteellada Muqdisho qaarkood

Waxaa soo kordhaya Huteellada Caasimada laga yagleelayo, ee lagu sameeyo waxyaabo aan raadka ku lahayn dhaqanka iyo diinteena suuban.

Warar Keydmedia Online
U-kuurgal Dhaqan-xumadda Huteellada Muqdisho qaarkood

MUQDISHO, Soomaaliya - Huteelladan oo badankooda ku teedsan xeebta Liido ee Muqdisho, ayaa xilliyada habeenkii waxaa taga rag iyo haween daneynaya in ay waqti ku qaataan goobtaasi, kuwaasoo is dhex fadhiya, iyagoo gabdhaha aysan jirkooda asturnayn.

Huteellada qaarkood, ayaa lagu iibiyaa noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha sida qamriga, waxaana jira tiro hablo u qoran, kuwaasoo laga iibinayo raga huteelka yimaada, iyadoo ninkii rabana uu hore u soo wadanayo gabar gogol la wadaagto habeenkaas.

Marka aad tagtid ayaa lagu soo hor dhigayaa buuk ay ku qoran yihiin noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha si aad dalabkaaga u gudbiso, waxaa sidoo kale laguu keenayaa sawirada hablaha ay iibiyaan si aad dookhaaga uga ciyaarto.

Huteellada ayaa waxaa badankood iska leh rag qurba-joog ah, oo da' ahaan dhaafay waqtigii dhalinyaranimada, waana goobo si aad ah loo ilaaliyo, kuwaasoo dadka taga qeybtood ay xilal sare ka soo qabteen ama ka hayaan dowladda Farmaajo ama kuwii dalka soo maray.

Falalkan dhaqanka lidiga ku ah ayaa waxa mudooyinkii danbe aad u hadal haya bulshada Caasimada, maadaama la arkayo hablo xilliyada habeenkii ah tagaya Huteelladaasi, kuwaasoo ay indhahaagu qabanayaan, iyagoo saaran mootada bajaajta, taasoo anfariir iyo wal-wal ku beertay badi shacabka, sababo la xiriira in aan Magaalada looga baran gabdho socda waqtigaasi.

Gabdhaha taga goobahaasi oo ah kuwa aad u da'yar, ayaa kala kulma tacadiyo kala duwan, iyadoo qaarkood uurkooda uu ku beermay dhalaan hab sharci darro ah ku yimid, sida ay dhowr jeer sheegeen dhaqaatiirta Isbitalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir oo marar kala duwan la kulmay kiisas ceynkaas ah.

Culuma'udiinka Soomaaliyeed ayaa dhowr mar ka digay falalka ka socda Huteellada Muqdisho, kuwaasoo ay ka dhalan karto carro rabbi, waxaase maqan kaalintii dowladda ee ku aaddanayd ka jaawabida dhaqamada xun-xun ee ka socda xarrumahaasi magaca Hotel qaatay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.