Ciidanka Kenya oo sii daayay dad ay afduubteen

Sii deynta dadkan ayaa timid kadib markii ay dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo gumaadka Ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Ciidamada Kenya ayaa sii daayay saddex qof oo shacab ah, oo 23-kii bishii hore ay ka afduubeen degaan ku yaalla duleedka degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo. Waxaa jira afar kale oo laga watay todobaadyo kahor degaanka Konton oo wali maqan.

Dadka ayaa ahaa afar qof oo hal tuulo laga qafaashay, waxayna Ciidanka Kenya ay dileen mid kamid ah oo meydkiisa ay kusoo tuureen halkii ay ka afduubteen, taasoo dhalisay caradda dadweynaha, iyadoo ay dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah gumaadka ah ee ka socda Gedo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.