Ciidamada DFS oo Dad badan ku qabtay Howgallo ballaaran oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (KON) - Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ay la socdaan AMISOM & Nabad Sugida ayaa Maanta oo Jimco ah Howgallo ballaaran ka fuliyay Xaafado ku yaalla Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada DFS oo Dad badan ku qabtay Howgallo ballaaran oo ka dhacay Muqdisho

Howlgallada oo yimid markii Xalay Qarax Miino lagu qaariyay Taliye ku xigeenka Nabad Sugida Degmada Huriwaa Axmed C/raxmaan {Dhega-juun} & Labo kamid ahaa Illaaladiisa, ayaa waxa ay ka kala dhaceen Xaafadaha SOS, Suuqa Xoolaha & Agagaarka Ex-control Balcad.

Wariyaasha Keydmedia Online ee Muqdisho oo Dadka Deegaanka la xariiray, ayaa sheegaya in Howlgalkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay uu saamayn ku yeeshay Isku-socodka Gaadiidka & Dadweynaha, maadaama ay Ciidamada xireen dhamaan Wadooyinka.

Saraakiisha Ciidanka Degmada Huriwaa waxa ay sheegeen in ay ku baadi goobayeen Howlgalka Dhagarqabiyaashii dilay Xalay Axmed C/raxmaan {Dhega-juun}, kuwaasi oo ku dhex dhuumaalaysanaya Degmada Huriwaa, oo kamid ah Goobaha Al shabaab ay aad u joogaan Muqdisho.

Dadka ku nool Degmada Huriwaa, ayaa Saakay kusoo toosay Ciidamo wata Gaadiidka Dagaalka oo ku daadsan Wadooyinka oo samaynaya Baaritaanno Guri-ka-Guri ah, islamarkaana qab qabanaya Dad Boqolaal gaaraya oo u badan Dhalinyaro.

Baabuurta Shabaqlaha ee Booliska Soomaaliya & AMISOM ayaa lagu soo qaaday Dadka Howlgallada lagu soo qabtay Saakay, kuwaasi oo iyagoo indhaha ka xiran la geeyay Xarunta Denbi Baarista (CID), oo ku taalla KM4.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.