CC Warsame  wali waa diiddan yahay in “waddo la xiro”

Xildhibaanku wuxuu xusay in madaxda iyo masuuliyinta hadda talada heysa ay shalay markii ay bannaanka ka joogeen xukunka ka cabanayeen dhibka maanta shacabka heysta, wuxuuna sheegay in qaarkood hore u ballan qaadeen isla-xisaabtan.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame  wali waa diiddan yahay in “waddo la xiro”

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho dhibbane u yihiin jidadka la xirayo iyo cadibaadda shacabka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ugu horreeyay siyaasiyiintii taliskii Farmaajo ka diiday inuu waddooyinka shacabka ku xannibo, ayaa qoraal uu dhawaan baahiyay ku xusay in shacabka caasimadda ku dhaqan u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalmeed ah, isla-markaana aysan xamili karin waddooyin xiran oo xitaa aan lug loo oggoleyn.

“Waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan macmiilkoodii, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya”, ayuu yiri warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu hay’adaha amniga qaabilsan ku eedeeyay in aysan heyn qorshe ka baddelan in ay “waddooyinka xiraan”, wuxuuna taas u sababeeyay in xilkooda aysan masuuliyad ku larnayn. “Ma jiro la xisaabtan madaxda ka sarraysa kaga imaanaya ama cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka”. Ayuu yiri.

Xildhibaanku wuxuu xusay in madaxda iyo masuuliyinta hadda talada heysa ay shalay markii ay bannaanka ka joogeen xukunka ka cabanayeen dhibka maanta shacabka heysta, wuxuuna sheegay in qaarkood hore u ballan qaadeen isla-xisaabtan iyo in aan la mari doonin jidkii qaldanaa ee ay shalay iyagu ku diidanaayeen maamulkii ka horreeyay.

“Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan, Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo”, ayuu Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsame wuxuu ugu danbeyn hadalkiisa ku soo xiray farriin u muuqatay inuu u dirayo shacabka Caasimadda, wuxuu ugu baaqay in ay “awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan” madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, wuxuu u sheegay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan oo ay awooddooda shacabnimo fahmaan.

Hadalka hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii labaad ay xiran yihiin waddoonka Caasimadda Muqdisho sabab la xariirta in wufuud Soomaalida gobolka ah oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay Muqdisho u joogaan xarig jarka xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.