Hotelada Muqdisho & Walaaca Xaga Diinta

Warbixin - Keydmedia Online | Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya ma jirin wax horumarka ah marka laga reebo bur-bur iyo dhimasho joogto ah oo Wadanka caadi ka ahayd.
Maqaallo Keydmedia Online
Hotelada Muqdisho & Walaaca Xaga Diinta

Xiligaan Soomaaliya waxay u muuqataa in ay cagta saartay wadadii Hurumarka iyo waliba guusha, waxaana bur-burkii iyo dhawaqii xabada badalay dhismaha iyo hurumaha shacabka wada doonayaan.

Horumarka ugu weyn ayaa xiligaan waxaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana magaalada ku sii badanaya dhismayaasha Hotelada oo dib u soo celinaya bilicdii magaalada Muqdisho.

Markii laga hadlayo Hotelada Soomaaliya waxay bari samaadkii ahayn wadamada ugu horumarsan Afrika dhinaca hotelada waxaana laxasuustaa Hotel Curubo, Hotel Jubba, Shabelle, Toowfiiq, Garguurte iyo Hotelo kaloo farabadan.

Waxaa isku furmaay xiligaan dhamaanba wadooyinka magaalada waxaana degmo kasta oo ka mid ah magaalada Muqdisho laga dhisay Hotel cusub oo lagu loo dhisay qaab casri ah oo la mid ah hotelada caalamka.

Tarada Hotelada ku yaala magaalada ma ahan kuwo xiligaan la soo koobi karo maxaa yeelay maalin kasta waxaa magaalada ka socda dib u dhis, dhismayaasha magaalada hoteladu waa kuwa ugu badan.

Wadada isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa iyo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kuyaala hotelada ugu badan kuwaas oo mudooyinkii ugu danbeeyay la dhisay.

Sidoo kale waxaa jira Hotelo badan oo laga dhisay dhulka xeebaha sida xeebta Liido xeebta Jaziira iyo waliba meelo kale oo u dhow xeebaha, kuwaasi oo haatan tartan uu u dhaxeeyo.

Tartanka ganacsatada Hotelka ayaa wuxuu yahay mid lagula kala tartamayo dhanka dhismaha, amaanka, bilicda, iyo soo dhoweynta, sidoo kale waxaa lagu tartamayaa qiimaha lagu dago Hotelada.

Ganacsatada Hotelada ayaa waxay sidoo kale ku tartamayaan dadka ajaanibta ah ee imaanaya wadanka, iyo sidii ay ugu soo dhowayn alaayeen wadanka, sidoo kale waxaa jira qorshe dhow oo ay qabaan ganacsatadaan oo ah in ay wadanka yimaadaan dad dal xiisayaal ah.

Walaaca Hotelada iyo Xaga Diinta

Culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa ka digaya in laga talaabsado anshaha wanaagsan ee diinta islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed.

Sharciyada jilicsan ee hotelada, iyo dadkii doona oo iska galaya oo aanan waxba laway diin maadaama aysan jirin wax shuruud ah, ayaa keenaya walaaca ay qabaan culimada Soomaaliyeed.

Hotelo yar oo ku yaalay magaalada Muqdisho ayaa waxay lahaayeen shuruux waxaana lala socday dadka soo galaya hotelada iyo waliba waxa ay yihiin, iyadoo si gaar ah loola socday raga iyo haweenka isla socda in ay isqabaan iyo in kale, waxaana hotelada laga celin jiray dadka aanan haysan cadaymo muujinaya in ay isqabaan ama aanan lagu kal soonayn.

Culimada Soomaaliyeed ayaa haatan qaba hoteladaan badan in ay keeni karaan in ay dadka oo dhan iska galaan oo ay iska dagaan ayaga oo ku samaynaya waxyaabo ka soo horjeeda diinta islaamka.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia]http://www.keydmedia[/url] | Xafiiska Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.