Wadadii loo maray magacaabista Gollaha Adeegga Garsoorka oo sharci-darro lagu tilmaamay

Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqay inuu ilaaliyo ku dhaqanka sharciga dalka mudada yar ee uga hartay waqtigiisa, islamarkaana uusan u horseedin Soomaaliya dhinaatooyin hor leh.

Warar Keydmedia Online
Wadadii loo maray magacaabista Gollaha Adeegga Garsoorka oo sharci-darro lagu tilmaamay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururada Bulshada Rayidka ayaa sharci darro ku tilmaamay hanaankii loo maray magacaabista shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka Soomaaliya.

War-Saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen Bulshada Rayidka ayay ku sheegeen in xukuumadda dhacday ee xil-gaarsiinta ah aysan awood u lahayn sameynta sharci ama magacaabista xilal cusub.

Waxay ku baaqeen in Xukuumadda cusub ee soo socota loo dhaafo magacaabista Gollaha Adeegga Garsoorka dalka, oo dawladihii ugu dambeeyay ee soo maray dalka ay ku guul-dareysteen inay dhisaan.

Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda la riday ayaa lagu booriyay inaysan dalka u horseedin dhibaato kale oo dastuurka ku saleysan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan ku dhaqanka sharciga waqtiga yar ee u haray.

July 30, Wasiiradda ayaa ansixiyay Xubnaha Gollaha Adeegga Garsoorka, oo kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 5 August 2020 15:26

    Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.