Madasha Xisbiyadda oo digniin u dirtay Farmaajo

Xukuumadda ayaa Meel Marisay 5 Xubnood Oo Kamid Noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka Iyo Xubnaha Maamulka Hey’adda Batroolka 30-kii bishii lasoo dhaafay kadib kulan ka dhacay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Warar Keydmedia Online
Madasha Xisbiyadda oo digniin u dirtay Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa soo saartey xalay War-Saxaafadeed ay uga hadashay magacaabistii Gollaha Adeegga Garsoorka iyo Xubnaha Maamulka Hey’adda Batroolka, taasoo ka dhalatay dood ku aadan sharci ahaanshadeeda.

Qoraalka ka kooban 7 qodob, oo nuqul kamid ah laso gaarsiiyay Keymedia Online ayaa lagu sheegay in Xukuumad xil-gaarsiin ah aysan awood u lahayn inay magacawdo gudi dastuuri ah ama ay go'aan ka gaarto arrimo masiiri ah, maadaama aysan sharciyad ku shaqeynaynin, islamarkaanka haysan kalsoonidii Baaralamaanka.

Waxay Madashu uga digtay Farmaajo inuu soo saaro wareegto uu ku ayidayo Gollaha Adeegga Garsoorka, ee 5ta xubnood ka kooban inta laga waafajinayo dastuurka dalka, maadaama markii hore qaab aan sharci ahayn u magacawday Xukuumad xil-gaarsiin ah, oo awoodaasi lahayn.

Sidoo kale, Xukuumadda KMG ah ayaa loogu baaqay inay ku ekaato shaqadeeda socod-siinta howlaha caadi ah, inta laga soo magacaabayo Ra'iisul Wasaare haysta Kalsoonida Gollaha Shacabka, sida ku xusan qodobka 103aad ee Dastuurka.

Ugu dambeyntii, Baarlamaanka ayaa laga dalbaday inuu kor-joogteeyo Xukuumadda KMG ah ee shaqeynaysa, islamarkaana la socdo tallaabo kasta oo ay qaadeyso si loola xisaabtamo illaa laga helayo Ra'iisul Wasaare rasmi ah.

Tan iyo markii la eryay Kheyre, oo xilka-qaadistii la sheegay inaan loo marin habraacii sharciga ee Xukuumadda kalsoonida loogala noqon karo, ayaa waxaa ka jira Madaxtooyadda jah-wareer xooggan, iyadoo xafiiska Farmaajo la wareegay shaqadii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha. [Halkan ka akhri Warbixin].

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 5 August 2020 15:26

    Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.