Isku dhex yaaca siyaasadeed ee xafiiska ku simaha Ra’iisul Wasaaraha

Marxalad kala guur ah ayaa ka jirto xafiiska Ra'iisul wasaarihii hore, waxaana arintaas ku jahwareeray ku simaha Ra'iisul Wasaaraha, oo magacaabis iyo xil ka qaadis ka bixi la'.

Warar Keydmedia Online
Isku dhex yaaca siyaasadeed ee xafiiska ku simaha Ra’iisul Wasaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbar-bar-yaac siyaasadeed ayaa haatan ka jira gudaha xafiiska ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, oo dhawaan loo igdmaday inuu buuxiyo booska hoggaanka xukuumaddi la kala diray ee Xasan Cali Kheyre.

Mahdi ayaa todobaad gudihiisa isbedel ku sameeyay xilka xogyaha joogtada ee xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Sii-hayaha Ra'iisul Wasaaraha, ayaa markii uu la wareegay xilka sii haya Ra'iisul Wasaaraha si deg deg ah ugu magacaabay Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato in uu noqdo xooghayaha joogtada KMG ah ee xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, isagoona xilkii ka qaaday xoghayihii hore.

Hase yeeshee, Mahdi ayaa shalay markale bedelay Cabdirisaaq Caato oo ahaa Xoghayihii joogtada ee sida KMG loogu magacaabay xafiiska, isagoo booskiisa ku bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim oo noqonaya Xoghaya cusub.

“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan…”ayuu yiri Ku-simaha RW.

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in xilka ka qaadista Cabdirisaaq Xuseen Aadan ay ka dambeysay kadib markii uu isku dayey inuu xoog kula wareego Gaari nooca aan xabada karin oo uu lahaa La-taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore Yaxye Cali Hareeri.

Arrintan oo ay ka caroodeen Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka ayaa u tagay Madaxweynaha, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab dhaqanka qalafsan ee lagula kacayo raggii ku dhowaa Ra'iisul Wasaarihii hore, islamarkaana C/risaaq Caato uu maalmahan beegsi iyo xadgudub ku hayay raggii lasoo shaqeeyay Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u amray in xilka laga qaado C/risaaq Caato, waxuuna la xiriiray sii-hayaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo durba xil ka qaadis iyo magacaabis isla socoto soo saaray.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 5 August 2020 15:26

    Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.