Wasiiradda oo meel-mariyay heshiisyo lala galay Itoobiya iyo Turkiga

Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ayaa waxaa ku mideysan Ereteria, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Sucuudiga, Jordan iyo Yeman.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda oo meel-mariyay heshiisyo lala galay Itoobiya iyo Turkiga

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilka sii haysa, ee dhawaan Baarlamaanka kala noqday Kalsoonida ayaa shalay ansixisay agaasimaha iyo agaasime ku-xigeenka Hey’adda tayo Dhowrka dalka, oo mudo 30 sano ah shaqeyn, balse hadda dib loo soo nooleynayo.

Maareeyaha Hey’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Aadan Xasan Barre waxaana Ceydaruus Macallim Xasan loo magacaabay maareeye ku-xigeenka Hey’adda .

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ayaa ka shaqeyneysa ilaalinta bad-qabka bii’adda iyo noolaha, ilaalinta tayada cuntada, waxyaabaha dalka dibaddiisa laga keeno, kuwo la dhoofiyo iyo weliba waxyaabaha dalka lagu isticmaalo, wuxuuna ganacsatada u fududeyneysaa in ganacsigooda ay u dhoofiyaan aduunyada inteeda kale.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay Axdiga aasaasidda golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee hareeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda dalka.

Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ayaa waxaa ku mideysan Ereteria, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Masar, Sucuudiga, Jordan iyo Yeman.

Shirka waxaa kale oo lagu meel mariyay heshiiska is-afgaradka iskaashiga dhaqaalaha ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiska is-afgaradka maal gashi ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 5 August 2020 15:26

    Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.