Daawo: Waxey u bixiyeen “Operation Restore Hope” // Black Hawk Down 20 Sano kadib

Nairobi (KON) - 20 Sano ayaa laga joogaa Maalintii Diyaaraddii Militeriga Mareykanka "Black hawk down" lagu soo riday Muqdisho 3 Oktoobar 1993.
Warar Keydmedia Online
Daawo: Waxey u bixiyeen “Operation Restore Hope” // Black Hawk Down 20 Sano kadib

20 Sano ayaa laga joogaa Markii Dagaalka dhexmaray Jabhadihii Dalka ay la galeen Ciidanka Mareykanka, ka dib markii kooxo Soomaali ahi ay dileen 24 ka mid ah askarta dalka Pakistan oo qeyb ka ahaa hawlgalkii UNISOM.

Illaa iyo Maanta Keydmedia ayaa ah halka Warbaahin oo Kaydkeeda ku haysatay wixii Maalintaas dhacay.

Cajaladaan aad Hoos ka daawaneysid waxaa 20 Sano kahor qaaday Agaasimaha guud ee Keydmedia Online Mudane Cali Saciid Xassan, waxaana Bogga Youtube ee Keydmedia soo saarnay Sanad kahor.

Soomaalida intooda badan waxey xasuustaan dhacdadii loo yaqaan Black Hawk Down ee dayaaraddii Mareykanka lagu soo riday Muqdisho, laakiin ma Xasuusanaa Xasuuqi ay geesteen Askarta Mareykanka? Ma xasuusanaa Kumanaanka la dilay? Ma xasuusanaa Odayaashii la Xasuuqa?

Hadaba waxaan halkaan kugu soo Bandhigeynaa Filim 25 Daqiiqo ah oo ku tusinaayo Dagaalkii loo Magac bixiyay Operation Restore Hope.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

Halkaan ka Daawo - DIGNIIN: Fadlan ha Daawan, hadaadan Awoodin!!: