Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay kala diristii xukuumadda Kheyre.

Cali Dheere ayaa hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay fagaare ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay salaadda Ciidul Adxa.

Warar Keydmedia Online
Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay kala diristii xukuumadda Kheyre.

Muqdisho, Soomaaliya - Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Dheere, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Kheyre ee sababay in Xukuumaddii soo shaqeynaysa mudo ku dhaw 4 sano la kala diro.

Cali Dheere ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay waligood ku faani jireen in dalka iyo dadka si daacad ah ugu adeegaan, hase yeeshee arintaas ay beenowday, kadib markii xukuumadda meesha laga saaray.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay maanta ka shalaynayaan wixii ay sanado badan dhisayeen in ay gacantooda ku dumiyaan, islamarkaana ay canaan kala kulmayaan dowladihii taageerida siin jiray ee Beesha Caalamka.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminayaan, wadamadii dhaqaalaha iyo Ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yiri Cali Dheree.

Wuxuu hadalkaan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay fagaare ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay salaadda Ciidul Adxa. Lama oga waxa xilligaan ku soo beegay in Al-Shabaab ay ka hadasho khilaaf siyaasadeedka ee ka jira Soomaaliya. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 5 August 2020 15:26

    Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.