Sifooyinka Farmaajo 2020 & Johnson 1968 oo isku eg

Maqaallo Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynihii 36aad ee Mareykanka, Lyndon Baines Johnson, waxay ahayeen kuwo aad isugu eg sifooyinka ay ku heleen taageero xoogan marka ay xilka imanayeen iyo hoos u dhac xoogan oo ku timid taageradooda shacbiyadooda marka ay soo dhowaatey wakhtiga uu ka dhamanayey xilkoodii 1aad.

Sifooyinka Farmaajo 2020 & Johnson 1968 oo isku eg

MadaxweyneJohnson wuxuu madaxtinimada Mareykanka qabatay 1963 kadib marka la diley madaxweynihii mareykanka JFK oo uu ku xigeen u ahaa.

1964 ayaa si rasmiya loogu doortay madaxweyne isagoo taageeradiisu ay gaartey heerka ugu sareysey diiwaanka doorashooyinka Mareykanka, taas oo ahayd in ka badan 61%, waxeyna helida taageeradaas dadweyne ahayd mid aad ugu adkeyd iney helaan musharixiinta marka laga soo bilaabo doorashadii 1820.

Johnson marka uu xilka la wareegayey wuxuu dalkiisu ku jirey dagaalkii Vietnam, waxeyna dhimashada askarta Mareykanka mareysey 1963 lix iyo toban kun, laakiin waxaa si dhaqso leh cirka isugu shareray dhimashada askartaas oo gaartey 525 kun sannadkii 1967, taas oo 33 jeer dhimashadii jibaarantey.

Khasaarahaas oo ka batay dhimashooyinkii dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunka wuxuu dhaliyey kacdoono ay sameeyeen ardayda jaamacadaha oo ay ku abuureen dhaqdhaqaaqyo dagaal-diid ah, taas oo sababtay mudaharaadyo waaweyn oo isqabsaday Mareykanka oo dhan, waxaana xoogeystey qalalaashaha iyo falal dambiyeedka oo adkaatay in la xakameeyo amarka iyo kala dambeynta.

Madaxweyne Johnson waxaa la soo deristey hoos u dhac weyn oo ku yimid taageeradiisa dadweynaha kadib marka ay dadweynuhu aad uga xumaadeen khasaaraha dagaalka iyo dalkoodii oo uu ka dilaacay qalalaase halis geliyey amarka sharciga iyo kala dambeynta degenaanshaha dalka.

Ololihii doorashada madaxtinimada markii uu bilowday 1968 ayaa xisbiga Dimoqaraadiga ay diidmo kala hor yimadeen President Johnson, kana horjoogsadeen taageerida musharaxnimadiisa, markaas ayuu kadib go'aansaday Johnson inuusan dib isku soo sharain oo uu ka tanaasuley tartanka dib u soo doorashadiisa.

Madaxweyne Farmaajo marka xilka madaxtinimada loo doortay 2017ka waxaa la qiyaasay in taageeradiisa dadweynaha ay aad u sareysey oo ay ka badneyd 65% oo taariikhda Soomaalida ay ahayd markii ugu horeysey oo doorasho madaxweyne ay dadku sidaas u taageeraan, iyagoon si toosa u soo dooran.

Taageeradaas muga weyn waxaa sabab u ahayd rajoxumo ay shacabku ka dhaxleen 26dii sano ee la soo dhaafay madaxdii dalka hogaanka u soo haysey, waxeyna taageerada dadweynuhu banaanka keentay rabitaanka ay u qabaan isbedel siyaasadeed oo dhaliya dowlad wanaag iyo joojinta faragelinta wadamada deriska, gaar ahaan cadowtooyada Itobiya.

Madaxweyne Farmaajo marka uu xilka hayey labo sano kadib waxaa xoogeystey dhimashadii shacabka oo ay sabab u ahayeen qaraxyada lala beegsanayo dadka rayidka ah, waxey kaloo dadweynuhu waayeen isbedelkii ay sugayeen oo ay ku haminayeen in lagu hormarinayo tayeynta adeegyada hayadaha dowladda, sida amniga, garsoorka, iyo dhowrista xuquuqda dadka.

Shacabku waxey dareemeen inuu madaxweyne Farmaajo balanqaadyadiisii uu ka beensheegay, bedelkoodana uu sameeyey wax uu sheegay wax ka soo horjeeda. Shacabka waxaan marna dareenkooda ka go'waayey sida uu u dhagray kadib markii uu ka tanaasuley danaha Soomaaliya inuu ka ilaaliyo faragelinta Itoobiya oo weliba ka sii darane uu ka dhigtay saaxiib daacada oo uu qoorta ugu dhiibtey maslaxadda danta Soomaaliyeed inuu uga dambeeyo go'aan ka gaarida Itobiya, kaasi waa balan-furka ugu weyn oo uu uga baxay shacabka oo walaal wadaniya u haystey. Waxaa sidoo kale faraha ka baxay wax ka qabadka cabashooyinka xad dhaafka ah ee lagula kacayo ku xadgudubka xuquuqda dadka, gaar ahaan suxufiyiinta, siyaasiyiinta, iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo waxaa si qaflad leh hadda u soo food saarey dhibaato weyn oo shacabkii ay kala kulmeen dhimasho xad dhaafa, taas oo ka dhalatay maareyn la'aan la dagaalanka fidida cabuuqa COVID-19. Dowladu waxey si rasmiya u sheegtay iney diwaangelisey tiro aan ka badneyn kun qofood oo qaba Coronavirus, ayna ku dhinteen wax ka yar kontameeyo qofood, taas oo ah mid aad uga fog xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gudaha Soomaaliya.

Cudurka wuxuu si aan xakameyn lahayn u dhex qaaday shacabka ku nool Muqdisho oo aan wax adeeg caafimaada ka helin dowladda, waxeyna dad badan u geeriyoodeen neef-xiran ku yimid kadib marka ay ka soo muuqdeen astaamaha lagu aqoonsado cudurka COVID-19.

Dhanka kale sawirkaas ay dowladu soo bandhigtay oo aan dhameystirneyn waxey dadku ka hadlayaan in ka badan 50% dadka ku nool Muqdisho iney la ildaran yihiin qabista xanuunka COVID-19, taas oo weliba saameysay ciidamada oo aan weli tirokoobidooda aan la soo gudbin, waxeyna qiyaastu ay muujineysaa in dhimashada shacabka keliya ay kor u dhaaftay dhowrkii usbuuc ee la soo dhaafay in ka badan 10 kun, faafidiisa cabsida la qabana ay saadaalineyso ku dhowaad boqol kun inuu ka dilayo shacabka Muqdisho oo keliya, taas oo ay dowladdu kula jirto dagaal ah in la yareeyo khasaaraha dhimashada si aysan halkaas uga dhalan rajo-beel ay kala kulmaan doorashada soo socota.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu dareensan yahay iney si aad ah uu hoos ugu dhacay taageeradiisa dadweynaha, dadkuna ay aad uga xun yihiin khasaaraha keliya ee ka dhashay dhimashada shacabka soomaaliyeed ee cudurka Coronavirus uu ka badan yahay dhamaan dadkii ku dhintay dagaaldii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay iyo weliba abaarihii xiliyadaas dhacay. Waxey shacabka Soomaaliyeed diidan yihiin sii joogista xilka madaxtinimada ee mudane Madaxweyne Farmaajo, waxeyna ka sii xun yihiin inuusan lahayn dareen qabta oo uu ku garqaato ama uu ku garwaaqsado in la soo gaarey wakhtigii uu aqbali lahaa diidmada ay shacabku ku diidan yihiin hogaanxumadiisa, xilkana si wanaagsan isaga casili lahaa.

Rajada uu Madaxweyne Farmaajo ku soo noqon karo waa mid ka hooseysa 5%, taasna waxey dhalineysaa haddii Madaxweyne Farmaajo ku sii adkeysto dib u soo tartamida doorashada 2020-21, iney imaneyso hawlwadeenadii la soo shaqeeyey iney diidmo kala horyimaadaan damaciisa, maxaa yeelay jabka xoogan ee ku dhaca waa mid aad u saameynaya siyaasadahooda mustaqbalka.

Madaxweyne ay taageeradiisu si deg deg ah cirka sare ka soo bilaabato waxaa la sugayaa iney ku soo dhamaato iney ku soo dhacdo xawaare xoog leh oo dhulka six un gu soo rida. Markaad aragtid isku ekaanshaha labadaas madaxweyne waxaa kuu sawirmaya meesha ay ku kala duwan yihiin oo ah tanaasulka horyaala oo ay ku qasban yihiin iney sameayaan guuldarada horteed.

Johnson marka uu ogaadey xaalka meesha uu marayo iyo saadaasha aan wanaagsaneyn ee ku soo socota ayuu doorbiday inuusan dib u soo tartamin, fursadna uu siiyo xisbigiisa iyo saaxiibadiisa leh damaca xilka madaxtinimada.

Madaxweyne Farmaajo diidmada shacabka waxey ku noqotay qaadasho waay iyo meel ka dhac ku noqotay lama filaan iyo lama arkaan, waxeyna taas ku abuurtay ciil iyo cuqdad aan wadnahiisa ka go’in, falcelintiisuna waxey noqotay inuu xoog iyo maskax ka raadsado Itobiya iyo Eriteriya oo uu rajeynayo iney kursiga ku soo celiyaan doorashada soo socota ama ay gacan ka siiyaan sidii loo jiidjiidi lahaa labo sano qabashada doorashada oo dhicideeda ka hor marar badan la kordhinayo wakhtigeeda.

Kama muuqato madaxweyne Farmaajo tanaasul uu xilka iskiis si sharaf leh uga degayo ama ay saaxiibadiisa iyo saraakiisha ciidankuba ay ku qancin karaan, kamana maqna xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iney ku sii fogaaneyso qalalaase xilka looga tuuro Madaxweyne Farmaajo, kadib marka qaska iyo falal dambiyeedyada dhacaya la xakameyn waayo oo awoodu ka fara baxdo muxaafadka dowladda oo wajahaya mowjadaha carada shacabka oo kacdoono lagu xoojinayo amardiidadooda si is daba jooga u qabsoomaya, kuwaas oo lagu muujinayo naceybka daran oo looga  soo horjeedo jiritaankooda.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

Saciidciise258@aol.com




    Maqaallo 7 August 2020 6:30

    Soomaliya waxay ku taal goob aad iyo aad muhiim ugu ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee caalamka, Waa bar ay ku kulmaan badwaynta Hindiya, badda cas, iyo badda carbeed (Arabian sea).