Ugu horreyn, waxaan qabaa in RW Xassan Cali Kheyre uu mas’uuliyad ballaaran ku leeyahay xadgudubyada iyo dib u dhaca 3 sano iyo 1/2 la soo dhaafay dalka ka dhacay. Wuxuu kaloo kaalin mug leh ku leeyahay guulaha iyo horumarka dhalanteedka ah ee dowladda la magac baxday Nabad & Nolol (N&N) sheeganeyso.

Falcelinta Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub 

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 29 July 2020

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Reer Yurub waxay door weyn ku lahaayeen abuuritaanka xaaladda murugsan ee dalka ka taagan, waayo ayagoo si hoose ula socday xaaladda ka dareysa maalin walba ayey ka aamusnaayeen, mararka qaarkoodka difaacayeen, ammaanayeen dowladda federaalka.

Weather Mogadishu, SO

overcast clouds 24.6°C overcast clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)

Keydmedia Radio

Radio loading......

11 Luulyo 2020 waxaa Magaalada dhusamareb ka furmay shirka 5ta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada (DG) Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DF). Ajendaha shirka wuxuu ahaa qabashada doorashada hay’adaha dastuuriga ee Soomaaliya oo kala ah Barlamaanka Federaalka (BF) iyo Madaxweynaha JFS ka hor dhammaadka muddo xileedka labadaas hay’adahood oo ku beegan 26da Disember 2020 iyo 7da Febraayo 2021. 

MW Farmaajo & RW Kheyre

Ololaha Jaahwareerinta & waqti lumiska ee ka wadaan Dhusamareeb

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 21 July 2020

Kow, Madaxweyne Farmaajo lama tegin dhusamareb afkaar iyo niyad uu ku taageerayo dhammeystirka go’aammadii wejigii koowaad ee shirka Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Xubnaha ka ah dowladda federaalka. 

Bilowgii Dhamaadka Madaxweynimada Farmaajo!

Falanqeyn Keydmedia Online | 20 July 2020

Sida aan ka dhaxalnay tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya ee 1991, waxaa dowlad kasta oo la sameeyaba hareerayn jiray khilaafaad dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ama Fulinta (Dowlada) iyo Sharci-dejinta (Baarlmaanka).

Caqabadaha hortaagan Wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareb ee DG Galmudug 

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 19 July 2020

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyo Agaasime Fahad Yaasin iyo taagerayaashooda oo ah kooxda loo yaqaan N&N waxay qaadeen olole ballaaran iyo brobaganda ay ku abuurayaan tuhun iyo qalalaase ay ku fashilinayaan wejiga labaad ee shirka Dhusamareeb ee loogu tala galay ka wada xaajoodka doorashada dadban ee 2020/2021.

Shirka GIDG Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 13 July 2020

Labo sano kaddib, waxaa Shalay oo taarikhdu aheyd 11 Luulyo 2020 ka furmay Magaalo Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboledyada (GIDG), shirkaaso looga wada xaajooday arrimo ay ka mid yihiin:

Hidde, Dhaqan & Xeer Nabaadguuray

Sidee loo Caymin Karaa?

Falanqeyn Keydmedia Online | 6 July 2020

Waa su’aal culus oo sugaysa saman cusub iyo maskax caafimaad qabta. Waa arrin sugaysa aqoonyahan aan Qabiil maankiisa doorin iyo Siyaasi xalaal ah. Waa door sugaya in dumarku garqaade ka noqdaan badbaadinta ummadda Somaaliyeed.

Exclusive / 60-Sano Kadib:

Maxaan Heynaa?

Falanqeyn Keydmedia Online | 30 June 2020

Xornimadii Soomaaliya waxaa maanta laga joogaa Lixdan sano. Waxaa la is weydiin karaa, maxaa inoo hagaagay, maxaase inaga qaldamay. Marxaladeena siyaasadeed, dhaqaale iyo tan dhaqan ee uu dalkayaga ku sugan yahay maanta maxay kaga duwan tahay tii gumeystaha? 

Godane Tegye Yaa Xigi?

Falanqeyn Keydmedia Online | 8 September 2014

Dr. Saciid Ciise Maxamud — Waxaa hogaamiyaha Soomaaliya u buuxsameysa bisha September 10 keeda Labo Sano, wuxuuna hadda bilaabay labakacleyn ku dhisan dhaqanka kelitalisnimada oo ah aniga keliya hadalkeyga dadku ha ka maqlaan warbaahinta, kooxdeyda keliya ha sidato hubka oo cida ay rabto ha ku bartilmaameysto hana isku difaacaan inta kalana ha noqdaan kuwo aan isdifaaci karin oo kooxdiisuna aysan awoodin iney difaacaan ama aysan dooneyn iney difaacaan.

DFS oo cadeysay in ay Kenya la wareegtay qeyb ka mid ah dhul-badeed Soomaaliya

Falanqeyn Keydmedia Online | 3 September 2014

Cabdullahi Ibraahim — Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh oo runtii dadaal dheer ugu jira sidii uu Kenya uga soo celin lahaa qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya oo ay la wareegtay.